Akhriso: Musharaxiinta maanta Khudbadaha Jeedinaya

Wararka Maanta

Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka  Soomaliya  ayaa maanta oo Axad  ah  dhageysanaya Khudbadaha Musharixiinta Madaxweynaha  ee dowladda Soomaliya.

Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaliya ayaa gaaraya 23-musharax waxaa loo kala qeybiyay 3-qeyb oo min sideed xubnood ah, maalin walba waxaa hadal jeedin doono 8-xubnood , waxaa lasoo gaba-gabeyn doonaa maanta oo Axad ah.
Eng C/laahi Cali Xasan oo kamid ahaa Musharixiinta Xilka Madaxweynaha Soomaliya ayaa shalay ku dhawaaqay In uu iscasilay islamarkaana uu taageero doono musharixii kusoo baxay xilka madaxweynaha Cusub ee Soomaliya.

Xubnaha maanta hadal jeedinta sameynaya waxaa ugu saameynta badan maanta Raisulwasaaraha Xukuumaddd federaalka Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, Raisulwasaarihii Hore ee Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, Maxamuud Axmed Nuur tarsan Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir.

Magacyada Xubnaha hadalka jeedinaya maanta

  1. Cumar C/rashiid Cali Sharmarke
  2. Maxamed C/laahi Farmaajo
  3. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)
  4. Dr maxamuud Maxamed Culusow
  5. Maxamed Axmed Jabari
  6. Maxamed Cali Nuur Ameeriko
  7. Maxamed Abdirizak
  8. Xaaji Maxamed Yaasiin