Mukhtar Robow oo gaaray Baydhabo (Sawirro)

Uncategorized Wararka Maanta

Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur iyo Xubno la socda ayaa Goordhow waxa ay gaareen Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Shaati Gaduud Magaalada Baydhabo uga hortegay Muqtaar roobow iyo Xubnaha la socday si ay u soo dhaweeyaan.

Muqtaar roobow ayaa ka tegay Magaalada Muqdisho oo maalmihii u dambeysay uu ku sugnaa.

Intaasi kadib waxaa la geeyay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay isaga oo la kulmi doona Masuuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed.

Weli sidhab ah looma oga ujeedada uu halkaasi u tegay,waxaana dhowr mar uu ku lab laabtay Baydhabo tan iyo markii uu yimid muqdisho oo ay wada hadlayeen dowladda Federaalka Soomaaliya.