Site icon Ceelhuur Online

Maxaa Caawa Ka cusub Cadaado iyo Gaalkacyo?

Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug waxaa caawa ku soo gabangaboobay shir ay lahaayeen Senatarada laga soo doorto Galmudug, Odayaasha deegaanka iyo Axmed Ducaale Xaaf.

Shirkan oo muddo socday ayaan laga gaarin natiijadii la filayey, intii uu shirkan socday dhowr jeer ayuu Xaaf ka baxay shirka, waxaana dood dheer kadib la isla afgartay:

  1. In dhinacyadu dib isugu laabtaan 30 bishan.
  2. In Xaaf Ducaale u safro Garoowe
  3. In Senataradu dib ugu laabtaan Muqdisho.

Dhan kale Cadaado waxaa ka socda diyaargarowga doorashada Madaxweynaha Galmudug, waxaana laga dareemayaa Caawa dhaqdhaqaaq lagu sugayo ammaanka magaalada.

Musharax Axmed Baasto ayaa ilaa hadda ah  musharaxa kaliya u taagan doorashada Madaxweynaha Galmudug. Beri ayaa la filayaa Barlamaanka Galmudug dhageystaan khudbadaha Musharixiinta.

Axmed Baasto ayaa loo saadaalinayaa inuu ku guuleysto Madaxweynaha Galmudug, Siyaasadda Galmudug ayaa ka dageysa jar dheer, waxaana adag in la sadaaliyo halka ay saldhigan doonto.

Exit mobile version