Dowlada Maraykanka ayaa dul dhigtey abaalmarin gaareysa 5 malyan oo dollar muwaadin ka soo jeeda dalka Maraykanka oo ka mid ah saraakiisha Al-Shabaab.
Wararka ka imanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in lagu arkay wadooyinka magaalada Diinsoor qoraalo ay ku qornaayeen abaalmarinta iyo magaca iyo sawirka qofka la baadigoobayo.
Sarkaalka ka tirsan Al-Shabaab ee la dul dhigay madaxiisa lacagta ayaa lagu sheegay magaciisa Jehad Serwan Mustafa,waxaa madixiisa saaran lacag gaaraysa 5 milyan oo dollar ka maraykan ka ah.
Mustafa ayaa ah 37 sano jir ka soo jeeda Wisconsin waxana uu yahay sarkaalka ugu sareeya ee ka tirsan Al-Shabaab kaasoo haysta dhalasho Maraykan ah.
Shaacinta sawirka iyo magaca sarkaalkan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay isaga tageen Al-Shabaab muwaadiniin ka soo jeeda dalka Maraykanka.