Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay go’aansatay inay dalab 454 milyan oo ginni ah u gudbiso weeraryahanka Paris Saint-Germain Neymar.
Neymar wuxuu ku soo wareegay lacag rikoor adduun ah Barcelona, xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil ayaa dhaliyay 20 gool 22 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.
Si kastaba ha ahaatee, wargeysyada ayaa shaki ku jiraa 25-sano jirkaan oo ku faraxsan Faransiiska, Real Madrid ayaana lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay dalab u dirto 18ka bilood ee soo socota.
Kooxda La Liga ka dhisan ayaa tartan kala kulmi doonta United, si kastaba ha ahaatee, kooxda Premier League ka dhisan ayaa isku diyaarineysa inay bixiso 444 milyan ginni, sida laga soo xigtay Le 10 Sport.
Dalabaadka la sheegay in lagu iibin doono waxaa lagu sheegay 365 milyan oo gani laakiin sida la sheegaayo Real ayaa diyaar u ah in ay qaadato laacibkaan, waxaana lagu soo waramayaa in heshiiska United uu fududaan lahaa hadii ay wadahadal galaan.
Qandaraaskii Neymar ee kooxda hogaanka u haysa ee Ligue 1 waxaa uu dhici doonaa ilaa 2022.