Madaxweynihii hore ee Ciraaq Jalaal Talabani oo geeriyooday

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Madaxweynihii hore ee dalka Ciraq Jalaal Talabani ayaa ku geeriyooday  da’da 83, isbitaal ku yaal dalka Jarmalka kadib markii uu muddo xanuunsanayay. Jalaal ayaa hayey xilka  Madaxweynaha dalka Ciraaq sanadii 2004.

Jalal Talabani ayaa hogaaminayay mid kamid ah kooxihii Kurdiyiinta waxana uu noqday Madaxweyna dalka Ciraq sanadkii 2003 kadib markii la afgambiyay Saddam Xuseen.

Dadka Kurdiyiinta oo dhowaan afti ay uga go’ayaan dalka Ciraq u dareeray ayaa u yiqiin Jalal Hisamadin Talabani magaca ah Mam Jalal oo micno la ah Adeer Jalal.

Jalal ayaa dhashay 12kii November 1933 waxana uu ku dhashay tuulada Kalkan meel u dhow buurta Mount Kosrat.
Talabani  ayaa ka qali jebiyay jaamacada sharciga ee magaalada Baqdad sanadkii 1959.