Madaxweyne Farmaajo Dalku 10 sano ayuu dagaal ku jiray

Wararka Maanta

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbad ka jeediyay shirkii Wadatashiga ee caawa dhex maray Madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, iyadoo Madaxweynaha si gaar ah uga hadlay xaalada dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Madaxda ka soo qeyb galay shirka inay waajib ku tahay inay ka shaqeeyaan Midnimada iyo soo celinta rajada shacabka.

Waxaa uu ku cel celiyay wadashaqeyn dhex marta dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, waxaana uu ku baaqay in meel looga soo wada jeesto dagaalka dalka looga xoreynayo Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka aanay ogeyn in dalka dagaal ku jiro, isla markaana uu muddo 10 sano uu dagaal ku jiray.

“Aniga dagaal waa iclaamiyay, laakiin 10 sano ka badan ayuu dalkaan dagaal ku jira, dad badan aanay ogeyn in dalka uu dagaal ku jiro”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.