Madaxweynaha Somaliland oo isku shaandheyn ballaaran sameeyay

Wararka Maanta

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xalay saqdii dhexe soo saaray wareegto uu isku shaandheyn ku sameeyay qeybaha kala duwan ee maamulka Somaliland, iyadoo wasiiro qaar xilalka la isku bedelay, kuwa kalena laga qaaday, iyo Taliyeyaal ciidan la bedelay.

Axmed Siilaanyo ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde, isagoo loo magacaabay Wakiilka Somaliland u qaabilsan Itoobiya, waxaana xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha Yaasiin Xaaji Maxamuud.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale kala bedelay Wasiiro dhowr ah, waxaana Wasiirka Duulista Hawada uu u magacaabay Farxaan Aadan Heybe, halka wasiirkii xilkaas hayay Cumar Sheekh Maxamed Faraax loo magacaabay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, sidoo kale waxaa Wasaaradda Boostada loo magacaabay Maxamuud Sheekh C/llaahi Cige, Wasiirka Ganacsiga ayaa loo magacaabay Cumar Shuceyb Maxamed, waxaa kaloo Afhayeenka Madaxweynaha loo magacaabay Xuseen Aadan Cige, iyadoo afhayeenkii hore laga dhigay La taliyaha Madaxweynaha ee dhinaca Sharciga.

Sidoo kale Madaxweynaha Somalland ayaa xilka ka qaaday Taliyihii Ciidamada Milateriga Ismaaciil Shaqalle, waxaana xilkaas loo magacaabay Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo horay xilkaas u hayay muddo 8-sano, Taliyaha ciidamada Badda Somaliland oo muddo jagadaas banaaneyd ayaa loo magacaabo Cabdi Xirsi Ducaale.

Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa uu xil ka qaadis ku sameeyay Maareeyihii Dekeda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed Xoor-Xoor oo muddo xilkaas hayay, waxaana lagu bedelay Axmed Yuusuf Dirir oo markii labaad xilka loo magacaabay.

Isku shaandheynta ayaa sidoo kale saameysay Wasiiru dowlayaal, Guddoomiyeyaal kale iyo xubno kale, waana isku shaandheyntii ugu ballaarneyd ee uu sameeyo Madaxweynaha Somaliland, iyadoo lagu wado sanadka soo socda 2017 ay doorasho ka dhacdo Somaliland.