Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Safiirka UK

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo shalay gaaray magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan la qaatay safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Mr. David Concar.

IMG_20170506_172150

Labada dhinac ayaa kawada hadlay arimaha abaaraha, shirka London, wada hadalka Ahlu sunna iyo ammaanka. Madaxweyne Xaaf ayaa inta uu ku sugan yahay Muqdisho la kulmaya Madaxda Qaranka iyo Beesha Caalamka.

Arbacadii la soo dhaafay doorasho ka dhacday Magaalada Cadaado ayaa Axmed Ducaale loogu doortay inuu laba sanno hogaamiyo dowlad goboleedka Galmudug.