Alshabaab oo 2 Askari ku gowracay duleedka Mahadaay

Wararka Maanta

Al-Shabaab ayaa Gowracay 2 Askari oo ka tirsan Milatariga Soomaaliya meel ku dhaw Degmada Mahadey ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Barta Internete-ka oo ay isticmaalaan Al-shabaab ayaa Goordhaw lagu Baahiyay in ay Gowraceyn labo ka mid ah Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo saakay hal saac ka soo baxay Deegaanka Biya Cadde waxaana lagala dagey Gaari Homey oo ku soo jeeday Magaalada Jowhar ee xarunta G/Sh/Dhexe.

Dhinaca Kale Milatariga Soomaaliya Ee ku sugan Deegaanka Biya Cadde ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Al-shabaab ay Gowraceyn 2 ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka Gaar ahaan Guutada 1-aad iyo Guutada 2-aad ee xoogga dalka Soomaaliya.

Labada nin ee la Gowrcay ayaa magacooda lagu sheegay Mowliid Xuseen Qeylshe iyo Axmed Yacquub sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Milatariga deegaanka Biye Cadde.