Madaxweynaha Galmudug oo ka Tacsiyadeyey geerida Gen. Cali Baashi

Wararka Maanta

Inaalilaahi wa innaa ileyhi raajicuun
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabadii uu ka baxay marxuum S/G Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar abaanduulihii hore ee ciidamada Xooga dalka oo galabta ku geeryooday magaalada London ee dalka Ingiriis-ka.

“Waxaan tacsi u dirayaa dhaamaan eheladda iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuumka waxaan leeyahay samir iyo iimaan alle ha idinka siiyo waxa uu ahaa nin qaran dhamaan alle samir ha inaga siiyo” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Meydka Marxuumka la filayaa in la  keeno magaaladda Muqdisho, si aas Qaran loogu sameeyo.

Taariikhdiisa oo Kooban

Magaciisa oo buuxa Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar Fiqi wuxu ku dhashay Dagmada Xarardhere ee Gobolka Mudug waxbarashada diiniga halkaas ayuu ku bilabay , Waxbarashada Maadiga, Dugsiga hoose iyo dhexe wuxu kaga baxay Muqdisho, Dugsiga Sare magalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayu ku dhameyay.

Ciidanka Xooga dalka ayuu ku biiray, Intii u dhaxeysay sanadihii 1970kii ilaa 1976dii labo jeer oo is xig xigta ayuu Tababar ciidan u aaday Dalka Ruushka USSR, wixi ka danbeyay 1976dii, Taliska Qaybta 26aad ee Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyed magalada Hargeysa Ayu ka shaqeyay ilaa Dagaalkii Ethopia iyo Somalia ka dhamado Halkaas ayu jogay.

Wasarada Gaashaandhiga Ayu xilal kala duwan kaso qabtay 1985tii Markii ugu horeysay Ayaa lo magacabay Abaandulaha Ciidanka Xooga Dalka somaliyed Burburki Dowladii dhexe Ayuu dalka ka baxay hase yeeshe dib ayuu uso labtay. Mar kale ayuu Noqday Abaanduulaha Ciidanka Xooga Dalka Somaliyeed 2015kii.