Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu soo laabtay Dalka (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Masuuliyiin  ka tirsan Galmudug ayaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Madaxweyne Xaaf ayaa muddo laba todobaad ah ku maqnaa dibadda, isagoo ka qeybgalay shirkii arimaha Soomaaliye ee Brussels lagu qabtay. sidoo kale Madaxweynaha ayaa socdaal ku maray qaar ka mid ah dalka Yurub, isagoo halkaas kula kulmay Jaaliyada kasoo jeeda deegaanada Galmudug.

Xaaf ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi caasimadda Dalka Kenya, halkaas oo uu kula kulamay jaaliyadda Galmudug iyo hay’ado caalami ah.

Imaatinka Mudane Xaaf ayaa la wada sugayey, isagoo la filayo inuu dhawaan ku laabtay Magaalada Dusmareeb Caasimadda Galmudug, sidoo kale waxaa laga dhursugayaan halka uu ku biyo shubto is afgaradkii ay gaareen Madaxda Galmudug.

Galmudug ayaa wajaheysa Qalqal siyaasadeed, Sidoo kale Maamulkan saddex gu’ jirsaday ayaa waxaa la dagay hoggaan xumo, iyadoo uu ku jiro maamulada ugu hormarka hooseeya maamul goboleedyada.