Galmudug iyo Ahlu sunno oo laga cabsi qabo inay ku dagaalamaan Cabudwaaq

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ay soo gaareen halkaasi gawaari tikniko ah iyo ciidamo badan oo ka socda maamulka Galmudug iyo maamulka Ahlu sunno.

Magaalada Cabudwaaq ayaa shalay waxaa ku dagaalada laba maleeshiyo beeleed, waxaana dagaalkaasi ku naf waayey ilaa 6 ruux, halka dhaawucu toban ka badnaa.

Xalay ayaa waxaa magaalada gaaray saraakiil ka tirsan Galmudug iyo ciidamo ay wateen, waxaana kulamo ay saraakiishaas la yeesheen odayaasha degmada ay ku soo idlaadeen natiijo la’aan.

Caawa ayaa waxaa magaalada soo gaaray saraakiil ka tirsan Ahlu sunno iyo ciidamo, waxaana arintani cabsi xooggan ku beertay dadka deegaanka awal horey uga soo daalay colaad beeleed.

 

4 thoughts on “Galmudug iyo Ahlu sunno oo laga cabsi qabo inay ku dagaalamaan Cabudwaaq

Comments are closed.