Warqad ka soo baxday xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi oo nuqul ka mid ah soo gaaray warqabadka shabakadda Ceelhuur.com ayaa lagu sheegay in ay fasax yihiin duulimaadyada imaanayey deegaanada Galmudug, warqadan ayaa ka hor imaanaysa mid uu xalay soo saaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf oo lagu joojiyey duulimaadyada ka imaanayey Muqdisho.
Dhanka kale waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku sugan siyaasiyiin isugu jira xildhibaano iyo wasiiro federaalka oo doonayey inay yimaadaan Cadaado, kuwaas oo ay soo dirtay dowaladda Federaalka si ay u xoojiyaan Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Barlamaanka.
Magaalada Cadaado ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan, iyadoo ciidamada daraawiishta Galmudug saaka la wareegeen ammaanka garoonka diyaaradaha Cadaado, iyagoo fulinaya amarka Madaxweyne Xaaf. Madaxweynaha Galmudug ayaa isku dayaya in aysan Galmudug imaan siyaasiyiin ka soo horjeeda siyaasadiisa. wixii ku soo kordha kala soco ceelhuur.com