Madasha xisbiyada qaran oo war saxaafadeed ka soo saartay qaraxii muqdisho ka dhacay

Wararka Maanta

War-Saxaafadeed ay soo saartay Madasha Xisbiyada Qaran oo looga hadlay qaraxi maanta ka dhacay Ex-Control Afgooye ayaa tacsi loogu diray Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadki ehelkooda ku dhintay qaarna ku dhaawacmay weerarki ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madasha ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay la timaad qorshe lagu sugi karo amniga dalka, waxaana laga digay in shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho lagu sii hayo caburinta iyo jidadka xiran, taa beddelkeedna dowladdu ay la timaad istiraatiijiyad ka duwan tii lagu soo fashilmay seddexdi sano ee la soo dhaafay.

Halkan hoose ka aqriso War Saxaafadeedka Madasha