Khilaaf soo kala dhax galay Abaanduulaha iyo Saraakisha XDS oo sababay…

Wararka Maanta

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah Khilaaf soo kala dhexgalay Abaanduulaha ciidanka Xooga dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiishii ciidanka Xoogga dalka ee aagga jilib Marka iyo Gendershe ayaa sababay in alshabaab ay dib u qabsadaan Jilib Marka iyo Gandarshe, oo ciidanku xoogga dalku xoreeyeen 18 September 2018.

Jeneraal Odawaa ayaa la sheegay inuu saraakiishaan oo muddo ciidanka kusoo jiray ula dhaqmay si amar ku taaglayn ah, isagoo qaar ka mid ah Xabsi guri galiyey. Khilaafka ugu xooggan ayaa dhexmaray Jen. Odawaa iyo Taliye Saneey Cabdulle oo ah Taliye urur.

Taliye Saneey ayaa jiidda dagaalka kala soo baxay 15 Tikniko iyo ciidamadii saarnaa aagga Jilib marka iyo Gandarshe isaga oo ciidankaas gaystay aagga Gubedleey ilaa Cisaleey ee waqooyiga Muqdisho.

Sidoo kale Jen. Odawaa ayaa waxa ay is qabteen taliyaha guutada 3aad Jeneraal Laba afle iyo Taliye Xasan Jaamici, oo muddo dhowr sano ah Alshabaab kula  dagaalamayey gobolka Shabeelaha Hoose.