Kenya oo burburisay xaruntii Hormuud Tuulada Caws Qurun

Wararka Maanta

Markii 12 aad muddo ka yar laba sano ayaa Ciidamada Kenya waxay burburiyeen xaruntii shirkadda Hormuud Telecom ee tuulada Caws-Qurun oo ku taalla gobolka Gedo.

Abaare saqdii dhexe ee habeenimadii Jimcaha 22 kii Agoosto 2019. Ciidamada Kenya ayaa u adeegsaday burburinta xarunta miinooyin xoog badan oo burburiyay dhammaan qalabkii yaallay xarunta sida Tower-kii, Laba Dab-dhaliye, BTS, Link-yo iyo dhismihii xarunta oo gabi ahaanba burburay.