Jubbaland oo qabatay Ajnabi ka tirsanaa Alshabaab (Sawirro)

Wararka Maanta

Hay’adaha Ammaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo bandhigay Saddex Nin oo ay sheegeen inay ahaayeen Ajaanibta ka barbar dagaalanta Ururka Al-Shabaab kana howlgeli jiray deegaanada Gobolada Jubbooyinka.

Saraakiil u hadashay Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in saddex Nin oo u dhashay dalka Tanzania lagu soo qabtay howlgal Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland ay ka sameeyeen degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Maamulka Jubbaland faah faahin intaasi dheer ah ma bixin ee ku saabsan Rgga Ajaanibta ah oo ay sheegeen inay la Shaqeynayeen Al-Shabaab gacantana ku dhigeen,waxaa sidoo kale ka hadlin Al-Shabaab oo la sheegay inay ka tirsanaayeen.