In Ka Badan 10-Ruux Oo Ku Geeriyootay Qaraxyo Maanta Gelinkii Dambe ka Dhacay Baydhabo (Dhageyso)

Wararka Maanta

Laba qarax oo is xig xigtay ayaa maqribnimadan caawa ah waxa ay ka dhaceen bartamaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed.

Qaraxyadan oo daqiiqada un kala horeeyay ayaa waxa ay ahaayeen ismiidaamin ay kala fuliyeen rag isku soo xiray suumanka qarxa, qaraxyadan ayaa waxaa lagu kala weeraray maqaaxiyaha Bilan iyo Beder oo ku yaalla bartamaha magaalada Baydhabo.

Af-hayeenka Madaxtooyada KGS Nuura-diin Yuusuf Abuukar Gacma Oo La Hadlay Ceelhuur.com Ayaa ka Warbixiyey Khasaaraha ka Dhashay Qaraxyadaasi.

Nuura-Diin Yuusuf Abuukar Afhayeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in inta la xaqiijiyey 14 Qof ay tahay dhimashada sidoo kalana wararkale oo ka madax banaan Hadalka Afhayeenka ayaa sheegaya in dhimashadu xiligan ay marayso 18 Qof.

Af-hayeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya Nuura-diin Yuusuf Abuukar ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in 50 ay dhawac tahay sidoo kalana 36 Qof ay xaaladooda Caafimaad culustahay.

Dhankale Isbitalka Guud ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka jira Dhiig la,aan iyadoo ilaa 6 Qof oo shacab ah ay dhiig la,aan u dhinteen kadib markii dhiig loo waayey.

Hoos Ka Dhageyso Codka Af-Hayeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya:-