Shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo gargaar u diyaarisay ilaa sadex kun oo qoys oo kamida dadka abaaraha Ku xoolo waayey ee deegaannada Galmudug.
shirkadda Hormuud iyo guddiga abaaraha Galmudug ayaa magaaalada cadaado ku qabtay munaasabad lagu soo bandhigayey deeq ay shirkadda hormuud ugu talo gashay dadka ay abaaruhu ku saameeyeen deegaanada Galmudug, sidoo kale munaasabaddaas ayaa ahayd mid bulshada reer Galmudug looga dalbanayey ka qaybqaadashada gurmadka abaaraha .
.
wasiirka Gargaarka naafada iyo arimaha binu aadamnimada Galmudug shire xirsi maxamuud ayaa ka hadlay deeqda ay hormuud bixisey ayaa yiri :” shirkada kale ee bulshada ka macaasha waxaan leenahay ku daysada shirkadda Hormuud, waxaa la idinka rabaa shacabkiinu maalintuu idiin baahanyahay inaad ka jawaabtaan baahidiisa, dhinaca kale hay’adaha ka shaqeeya deegaanada Galmudug waxaa leeyahay kasoo jawaaba dhibaatada haysatada bulshadeena”.
madaxa shirkadda Hormuud xarunteeda cadaado maxamed axmed cabdulle ayaa munaasabadda ka sheegay “waxaan isugu kiin yeernay inaan soo wareejinno mucaawino ay shirkadda hormuud ugu talo gashay ilaa 3000 sadex kun oo qoys, oo kamida dadka ugu danta yar ee reer Galmudug”.
wasiiru dowlaha arimaha gudaha Galmudug cumar guureeye ayaa fariin u diray bulshada reer galmudug meel kasta oo ay joogaan “waxaa loo baahanyahay in dadka reer galmudug ay is abaabulaan oo ay u gurmadaan walaalohooda dhibaataysan , waa in fadhiga laga kacaa, waa in meel kasta laga bilaabaa gurmad iyo macaawino aruurun”.
Cabdi xasan awoowe