Iska horimaad u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka socda Xeradda ciidamada Generaal Goordan degmada Hodan magaalada Muqdisho, xeradaan ayaa dhawaan dowladda Soomaaliya waxa ay kala wareegtay Imaaraadka Carabta.
Dadka degaanka ayaa inoo xaqiijiyey in dagaalku Muddo ku dhow Saacad ka socdo halkaas, dagaal oo xooggan ayaa u dhaxeeyo ciidamo kawada tirsan dowaladda federaalka. Garaawida Tiknikada xoogga dalka ayaa la arkayaa iyagoo ku sii socda goobta dagaalka.
Ilaa iyo hadda Ma cadda waxyaabaha keenay in ciidamada dowladda ay ku dagaallamaan halkaasi, sidoo kale lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka oo saameyn ku yeeshay xaafadaha u dhow xerada, waxaana jirta in wali dowladda Imaaraadka Carabta ay daadgureynayso Alaabtii ka taallay Xeradda Goordon. warar qaar ayaa sheegaya in dagaalku salka ku hayo arimo la xariira saanad ciidan oo imaaraatku halkaas uga tageen. iyadoo saraakiisha qaar doonayaan in ay qaataan.
wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com