Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed ayaa faah faahin dheeraad ah waxa uu ka bixiyey qabanqaabada doorashada madaxweynaha ee maamulkaasi.
Waxa uu sheegay guddoomiyaha in dhowaan ay magacaabi doonaan guddiga doorashada Madaxwaynaha Hir-Shabeelle Guddiga ayuu in uu ka koobnaan doono Sagaal xubnood oo ka imaanaysa Baarlamaanka.
Guddoomiyaha ayaa Sidoo kale Sheegay in xubno ka socda Wasaaradda Arimaha Gudaha DFS. Aqalka sare iyo Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay Doorashada gacan ka gaysan doonaan.Kormeera-yaaal Caalami ah ayuu Sidoo kale shagaay in ay jowhar imaa doonaan maalinta doorashada
Amniga ayuu sheegay in waxbadan ay iska bedali doonaan, islamarkaana mudada loogu talogalay doorashada ay ku dhici doonto.
Cismaan Barre Maxamed aya hoosta ka xariiqay xitaa hadii aysan wax gacan ah ka helin Dowladda Dhexe ay dhamaysan karaan howlaha Doorashada ay ku filan tahay taageerada Shacabka Hirshabelle.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in hadda aanay jirin wax caqabad ah oo hortaagan howlaha doorashada.
Si kastaba ha ahaatee wili wax aqbalaad ah lagama hayo Madaxwaynihii Hirshabelle taas oo la xariirta Xil ka qaadista ay ku sameeyen Baarlamaanka Maamulkaasi.
Xigasho:Goobjoog