Barbaarinta caruurta waa mowduuc aad u weyn, waana wax dhinacyo kale duwan leh.sidaa darteed waxaa ugu Muhiimsan Barbaarinta jirka iyo Maskaxda, waa in ilmuhu helaan Degaan Degan, Cunta fiican, Nasasho ku filan iyo meel Colaadu ku yar tahay.
Muhiimada waa guri waliba inta ilmahu ka yar yahay 13 sano iyo meelahaas in khilaafka iyo dooda Waalidka laga qariyo ilmaha, oo haddi Hooyada iyo Aabahu doonayaan in ay doodaan waxaa Wanaagsan in Waqti kale ka dhigtaan oo ilmaha Joogin waayo ilmaha waxay ku noqoneysaa wax Maskaxdooda Qatar galiya (Psychological Threat) buuqaas tirada badan ee Dhinaca Waalidka ka imaanay .
Barbarbaarinta maskaxda ama caqliga waa qeybta ugu muhiimsan uguna baahi badan yahay ilmaha si uu ugu badbaado ama ugu guuleysto adduunka, waana qeyb ay dayacaan Waalidiin badan , ayadoo sabab ay u tahay, aqoondaro, waqti la’aan iyo ahmiyad aan la siinin
Ilmaha waa in aad ka dhistaa, luuqada afkiisa Hooyo, waxaad ugu dhisi kartaa adigoo ka saxa erayada Termonligi cusub , adigoo mar walbo uu fiirinaayo in da’da uu ku jiro ku haboon tahay , qasab ma ah in aad adiga ku fiican tahay ,waxaad u geyn kartaa Adeerkiis , Abtigiisa, Eedadiis, ama Ayeydiis oo kaaga fiican luuqada halkaas oo uu ka helayo Sheeko Xariir ,Gabayo , iyo Suugaan badan amaba u soo kireyn kartaa qof sugaanta ku fiican haddi aad awoodo .
Halkaas ilmaha waxaa uu ka helayaa kobcin caqli, Sheeko walba dulucdeedana wey saameynaysaa caqligiisa , haddi aad Baadiyaha geyn karto sanadkii mar waa arin aad u fiican markuu soo gaaro iskuulka , waxaan aad ugu digayaa ilmaha oo la baraa Luqadaha Qalaad taasoo dhici karta in ay ka xoog badnaato luqadiisa hooyo ee asalka u lahaa
Waa in aad ixtraamtaa asxaabtiisa yar yar gurigana ku marti qadaa barataa Waalidkooda, isku daydaa in aad wax wada sameysaan si caruurtina Saaxiibtinimadooda ay u noqdaan kuwa hal u jeedo leh mararka qaar ah aad la soctid Goobaha ay aadaan marka ay Fasaxa yihiin
Bar waxa saxda ah iyo khaladka, adigana iska ilaali in aad hortisa ku sameysaa khaladaadka, sidoo kale abaal marin fiican sii markuu wax saxo , markuu wax qaldana ciqaab u qalantaa da’diisa si uu u ogaada qaladkiisa , markuu soo kobcana , kalsooni sii , ka yarey kormeerka faraha badan, waayo hadi uu soo gaaro dhowr iyo Toban sano, sida aad rabtay uu noqon waayo waxaa kaa xog badiyey degaanka oo aad koontrolliweysay ama dadaalkaaga baa yaraaday, waalidka aqoonta leh wax walba wey ka war hayaan weyna ka sii baraan degaan.
Waxaad arkeysaa labo ilmo oo labadaba qurbaha ku barbaaray, midna adiga kaa Af Soomali badiya oo aad is leedahay kani ma shalay bu baadiyaha ka yimid, hadde waa nin aan waligii dhaafin London ama Ohio, mid kalena waxaad isleedahay show kani waalid Soomaali maba dhalin, waa farqiga labada waalida u dhaxeeya iyo dadaalkooda iyo waxyaabo kale oo badan oo aan ogeyn aniga.
Ilma si fican loo barbaariyey waxay wax tarayaan dhammaan bulshada ay ku nool yihiin dhexdooda, khaas ahaan waalidkii dhalay. Waalidka masuuliyada ka saaran barbaarinta caruurtooda waa mid Diini iyo Maadiba waajib ku ah, waxay Diinta si joogta ah noo fareysaa in aan , wax walboo masuul aan ka nahay nalagu xisaabin doona aakhiro, haddi ilmahayaga aan si fiican u babaarin weyno uuna dhib ku noqdo Bulshada waa nasiibdaro waalidka u taal mana jiro waalid doonaya in uu ilmahiisa noqdo mid aan guuleysan laakin waxaa dadku ku kale duwan yahay waxyaabo badan iyo xaaladaha haysta .
In caruur la dhalo sida ay muhiim u tahay, si la mid ah ayey muhiim u tahay in la barbaraariyo, qofka hanti kaga weyn ma jirto caruurtiisa, haddi qoys walba caruurtooda ku barbaariyan dal jaceyl, Soomaalinimo , iyo in ay wax bartaan waxaa Caawisey Bulshada waxaan helayanaa jiil wanaagsn oo badalo jiilka hadda jira oo qaranka Soomaliyeedna Meesha ka sii wado
Wasaarad Waxbarashada iyo Barbaarinta, waa in ay leedahay ujeeda cad ah oo ku aadan Tarbiyeynta ilmaha iyo u diyaarintooda in ay noqdaan Muwaadiniinta Beri ee Soomaaliya ay sugayso , waxay arintaas Wasaarad ku sameyn kartaa in Dugsi walba maado qasab ah ay ku jirto oo barbarinta ilmaha ah oo ku qoran Afka Soomaaliga si saxna ilamha loogu ixtraamo
Wasaarada waa in aay ku dadaashaa in ilmo walbo soomalaiyeed uu yaqaano sugaanta soomaliyeed , dhaqanka , wadanka soomaaliya inta uu qeybsamo , kheyraadkiisa iyo tariiqdeena , iyo sida uu aduunka ula dhaqmi lahaa oo sawir fiican soomaaliya ugu gudbin lahaa .
Wasaarada Waxbarashada iyo Barbaarinta waa in ay xakeymsaa sameynta luuqdaha iyo dhaqamada shisheeye ku leeyihiin Soomaaliya, waayo waxaa maesha ka baxaya Dhaqankii Wanaagsanaa ee ay Soomaaliya lahayd sidoo kale waxaa qoraalkeyga ku soo gabagabeynayaa in nay Muhiim tahay in mar waliba wada shaqeyn dhex marto Macalinka iyo Waalidka si loola socdo hab Dhaqanka caruurta
W/Q Mohamed Jacfar Mohamed
Youth Activist Social Worker
(U doodaha Xaquuqda Dhalinyarada
kana Shaqeeya Arrimaha Bulshada
E-Mail Mohadam151@gmail.com