Hadalkii Ra’iisul wasaare Kheyre iyo weerarkii Cabdiraxmaan Cabdishakur (Sheeko isku xiran)

Wararka Maanta

Dhowaan Ra’iisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa isagoo koox haween ah u qudbeynaya sheegay in dadka Dowladiisa mucaaradsan iyo Al shabaabku ay isku mid yihiin isku sina loola dagaalami doono, wuxuu ahaa hadal xanafleh.

C/raxmaan Cabdi Shakuur oo xili hore hadalkaas ka jawaabay wuxuu ku tilmaamay ayaan daro in Al Shabaab lagu mataalo mucaarad aan hubeysneyn.

Markii aad ka tusaale qaadato qaabkii uu xalay u dhacay weerarkii lagu qaaday guriga siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur wuxuu u qaab ekaa sida ay ciidamadda Dowladdu u weeraraan goobaha ay ku tuhmaan Al Shanbaab, gaar ahaan xiliga weerarka uu dhacay iyo tiradda ciidanka goobta weerartay.

Markii aad dib u raacdo hadalkii Ra’iisul wasaare Kheyre iyo nuucii uu u dhacay weerarkii xalay lagu qaaday guriga C/raxmaan Cabdishakuur oo lix ruux lagu dilay waxaa kusoo baxeysa sheeko isku xiran oo waliba is fasireysa, waana arin u baahan doonta falcelin xoogan oo dhinacyo badan.

Qofkii cadeyn u baahan dib ayuu u daawan karaa muuqaalkii Xasan Cali Kheyre ee habeenkaas, Somalia waxaa ka jirta Dowladd dimuqraadi ah, in la is mucaarado, oo mooshin la iska keeno, oo saxaafadda la iska dhaleeceeyo, oo qaladaadka Dowladda la sheego waa qeyb ka mid ah hufnaanta Dowladnimadda.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo ku cusub saaxadda siyaaasadda Somalia wuxuu juhdi galinaya in loo awood sheegto cid walba oo diidan rabitaankiisa taas oo abuuri karta xasilooni daro siyaasadeed.

Falkii xalay wuxuu foolxumo iyo dhaawac ku ahaa Dowladnimadda Somalia gaar ahaan kooxdda hadda taladda heysa , lama hubo iney isku wada raacsanayeen falkaan guracaan laakiin hubanti tani waxey lumisay wax badan oo laga filayay iney qabaan karaan inta waqtigooda ka dhiman.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
raafac22@gmail.com