Guriga Xildhibaan ka tirsan Hirshabelle oo la weeraray

Wararka Maanta

Magaalada Jowhar ee xarunta  Hirshabelle ayaa xalay bam gacmeed lagu weeraray guriga Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle. Xildhibaanka gurigiisa la weeraray ayaa  lagu magacaabaa Maxamed Bashiir Qaasim Daqare, Xaaska Xildhibaanka iyo mid ka mid ah ilaaladiisa ayaa dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi, kadib markii bambada guriga ay ku dhex qaraxday.

Xildhibaan Daqare ayaa ku maqanaa Magaalada Muqdisho sida ay xaqiijiyeen Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hirshabelle. Saraakiisha ammaanka  ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegay dadkii ka dambeeyay falkaasi inay ka baxsadeen goobta, markii xalay ay ku tureen Bam gacmeedka hooyga Xildhibaankaasi.

Xildhibaanka gurigiisa qaraxa lagu weeraray ayaa wuxuu degan yahay xaafadda Mishinka ee Magaalada Jowhar. Alshabaab ayaa inta badan habeenkii weerara guryaha Masuuliyiin maamulka.