Guddoomiye Cawad:- Villa Hargeysa Xildhibaanadu Shir Kuma Qaban Karaan (Dhageyso)

Wararka Maanta

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha shacabka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad  ayaa war ka soo saaray habka uu u shaqeynayo golaha shacabku inta lagu jiro kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee  ka dhashay kala diristii guddiga maaliyadda iyo habka loo maareynayo doorashada dowladgoboleedka KGS.

Mahad Cabdalla Cawad oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ay todobo Qodob ka soosaareen habka shaqada ee shaqaalaha golaha shacabka iyo Xarunta Villa Hargeysa ee ay ku shiraan Guddiyada joogtada ah.

Mahad waxa uu shirkiisa Jaraa’id ku sheegay

  1. In hoolka Villa Hargeysa aan lagu qaban karin kulamo siyaasadeed islamarkaana  loo baahanyahay  in Shaqaaluhu ay ku shaqeeyaan.
  2. In Guddigii Maaliyadda ee la kala diray uu sidiisii yahay,islamarkaana aan la aqoonsaneyn,waxaana uu guddoomiye Mursal ugu baaqay in go’aankiisii soo celinta Guddiga uusan ahayn mid sharciga waafaqsan.

Shaqaalaha Golaha Shacabka ayuu sheegay in aysan fulin karin go’aanno maaliyadeed oo uusan u dhameyn Guddoonka Golaha shacabka. iyo qodobo kale.

Wali waxaa Magaalada Muqdisho ka jira xiisadda ka dhalatay Mooshinka ay 92 xildhibaan oo kamid ah golaha shacabku ay ka  gudbiyeen Madaxeyne Farmaajo.

Ilo kudhow Villa Somalia ayaa u sheegay Warbaahinta in uu jiro tuhun ah in soo jeedinta xilka qaadista madaxweynaha Jamhuuriyadda ay ku lugleeyihiin gacmo shisheeye, balse weli ma jiro war madaxbanaan oo xaqiijiyey ama diiday jiritaanka tuhunkaas.

 

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiye Cawad:-