Xaqiiqooyinka Dastuurka cusub ee Galmudug Qeybta 2-aad

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waa Qeybtii 2-aad ee Qormadeenii Xaqiiqooyinka Dastuurka cusub ee Galmudug,  Waxaana qeybtaan ku soo qaadaynaa Qodobadii ka dhimaan Cutubkii Koowaad, Si aad uga bogataan, haddii Alle idmo markii aan dhameyno aqrinta dhammaan cutubyada Dastuurka, waxaa xigi doona isbarbardhig Dastuurkii Galmudug iyo Kan cusub.

Qodobka 4aad
Astaanta iyo Calanka Dowlad Goboleedka Galmudug
1) Astaanta u gaarka ah DGGM waa mida ku qeexan lifaaqa (A).


2) Calanka DGGM waa midka ku qeexan lifaaqa (A).

Qodobka 5aad

Magaalo-madaxda iyo Xaruunta DGGM.

1) Magaalo-madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug waa Dhuusa-mareeb.

2) Magaalo-madaxda DGGM waxa ay yeelaneysaa nidaam gaar ah oo lagu dhaqo waxaana
xeer ka soo saarayo Golaha Xeer-dajinta Galmudug.

Qodobka 6-aad.
Afka.
1) Afka rasmiga ah ee DGGM waa Af-Soomaali.
2) Afka labaad ee DGGM waa Af-carabi.

Qodobka 7aad
Mabaadi’da Aasaasiga ah.
1) Dowlad Goboleedka Galmudug waxa uu ku saleysanyahay hannaan iyo nidaam
dimoqoraadiyadeed, kuna dhisan matalaadda dadweynaha, awoodda oo dhan waxaa leh
shacabka, waana hannaan ku saleysan nidaamka axsaabta badan iyo caddaalad
bulshadeed loo wada dhanyahay.

2) DGGM waxa uu hirgelineyaa mabaadii’da qaybinta awoodda; waxaa jiraya saddex
awoodood oo siman, hadaf mideysan leh isna dheellitiraya, wadashaqeyntoodana ku
dhisantahay daah-furnaansho iyo isla-xisaabtan, saddaxdaas awood oo kala ah:
a) Awoodda Xeer-dejinta;
b) Awoodda Fulinta;
c) Iyo Awoodda Garsoorka.

3) DGGM waxa ay dhowreysaa xuquuqda aadanaha, sarreynta Xeerka, xeerarka caalamiga
oo ay JFS aqoonsantahay, caddaalad, wadatashi siyaasadeed oo bulshadu u wada
dhantahay iyo qeybinta saddaxda awoodood.

4) Haweenka waa in laga qeybgaliyaa hay’adaha dastuuriga ee DGGM.

Qodobka 8aad.
Sarreynta Xeerka.
1) Xeerka ayaa ka sarreeya qofkasta, dhammaan hay’adaha dowladda iyo mas’uuliyiinta
DGGM waxay u wada hoggaansamayaan Dastuurka iyo Xeerarka JFS iyo Dastuurka iyo
Xeerarka DGGM.

2) Shareecada ka sakoow Dastuurka DGGM ayaa ugu sarreeya Xeerarka DGGM, Xeer lagu
baddali karo, lagu laali karo ama lagu jabin karo ma jiro; Xeer kasta oo ka hor imaanaya
Dastuurka DGGM waa waxba-kama-jiraan marka laga reebo Xeerarka waafaqsan
Dastuurka JFS.

3) DGGM waxa ay sameyneysaa Xeerar laga hirgaliyo deegaannadeeda oo u gaar ah DGGM,
Xeerarkaas oo aan ka horimaankarin Xeerarka JFS.

Qodobka 9-aad.
Maalmaha Fasaxa.
1. Xafladda Mowliidka Nabigeena Muxamed NNKH (12 Rabiicul Awal).
2. Maalinta Jimcaha
3. 26 Juun
4. Kowda Luuliyo
5. Ciida Soon-fur (Hal maalin).
6. Ciida Carafo (Saddex maalin).
7. Maalinta xuska Shuhadada (17 Ramadan).

La soco Qeybta 3-aad

Waxaa Diyaariyey : Maxamed Dhagacade

Tifaftiraha Guud Ceelhuur.com