Dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Deynuunaay

Wararka Maanta

Al-shabaab Iyo Ciidanka dowladda oo ku dagaaalamaya Deegaanka Deynuunay ee duleedka Baydhaba. Saaka salaaddii subax ayaa la sheegay in ciidamada AL-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga islamarkaana dagaalkoobnaa kaddib la wareegeen.

Ilo ku sugan Degaanka ayaa xaqiijiyay in Ciidamada dowladda ka baxeen saldhigga markii uu dagaalka muddo socday islamarkaana Al-shabaab halkaas la wareegeen.

Sidoo kale dadka degaanka ayaa sheegay in Ciidamada dowladda Federaalka ah ay weerar rogaal celis ah ku qaadeen saldhigga Deynuunaay, halkaas oo ay sheegeen in uu hadda dagaal ka socdo.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weeraray saldhiga ciidamada ku leeyihiin deegaanka Daynuunay, waxaana deegaankan muddooyinkii u dambeeyay uu marti u ahaa weerarada Al-Shabaab ku qaadayeen.

Deegaanka Daynuunaay ayaa ah deegaan muhiim u ah ammaanka magaalada Baydhabo, halkaasoo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada xoogga dalka.