Daawo: Xarunta Isgaarsiinta Booliska Soomaaliyeed ee Cadaado oo xarigga laga jaray

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi oo uu wehliyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sh. Xasan Xaamud ayaa xariga ka jaray isgaarsiinta Booliska Soomaaliyeed ee degmada Cadaado, xaruntan ayaa la dhigay qalab isgaarsiineed awood u siinaya in ay la xariirta xarumaha isgaarsiinta Booliska Soomaaliyeed Muqdisho, Carmo, Beledweyne, Carmo, Baydhabo iyo Kismaayo.

14520546_10206064350966619_2060759853197452767_n14650259_10206064349126573_5288721435697905274_n 14666116_10206064352646661_4832896484284551991_n-1

Waa markii ugu horeysay ee xarun nuucaan ah laga hergaliyo Dowlad goboleedka Galmudug, Waxaana looga maarmayaa isgaarsiinta gaarka loo leeyahay oo aan lagu aamini karin xogta amniga dowladda, Dhismaha ciidamada Booliska Galmudug ayaa si xowli ah ku socda, waxaana ammaan loo jeediyey Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Xaamud oo mas’uuliyad iska saaray sidii loo dhisi lahaa booliska Soomaaliyeed.

14573052_10206064355086722_5694818709654179806_n 14520496_10206064353006670_5871786826950631203_n 14502800_10206064354046696_5225159093509358560_n

Madaxweyne ku xigeenka iyo Taliyaha ayaa mid mid ula xariiray xarumaha isgaarsiinta booliska soomaaliyeed ee ku yaala meela kala duwan ee dalka, hoos ka daawo muuqaalka warbixinta.

22 thoughts on “Daawo: Xarunta Isgaarsiinta Booliska Soomaaliyeed ee Cadaado oo xarigga laga jaray

Comments are closed.