Daawo: Al-Shabaab oo dilay askari maxbuus ahaa oo ka tirsanaa ciidanka Amisom

Wararka Maanta

Al-Shabaab ayaa dilay askari ka tirsanaa ciidamada Uganda ee qayb ka ah howlgalka AMISOM oo  muddo sanad ah maxbuus ahaa. Askarigan ayaa diray fariintii ugu dambeysay intaan Askari Shabaab ah Madaxa ka toogan, Askarigan ayaa  kasoo muuqday filim kooban oo ay baahisay Mu’asasada Al-kataa’ib oo ah garabka warbaahineed ee Xarakada Alshabaab.

Askarigan oo lagu magacaabo Masassa oo fariintiisu ay aheydtii ugu dambeysay ee laga duubay ayaa ku eedeeyey dowladiisa inay meel cidla ah kaga dhaqaaqday waxbana u qaban-weyday, wuxuuna xusay inuu naftiisa ku khamaaray isagoo raadinayo lacag.

Ciidamada Al Shabaab ayaa askarigan waxay ku qabteen weerarkii Jannaale bishii September ee sanadkii 2015-ka kaas oo lagu dilay askar badan oo ka tirsan AMISOM, waxaana uu horay u jeediyey fariimo dhowr ah oo uu madaxdiisa kaga dalbanayo in laga sii daayo Al-shabaab.

wab34 wab35 wab36