Ciidamada Liibiya oo lagu eedeeyay dhimashada dad muhaajiriin ah

Wararka Maanta

Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Liibiya ayaa lagu eedeeyay in ay rabshado kula keceen dadka muhaajiriin ah, kuwaasi oo shan ka mid ah ay dhinteen xilli hawlgal samatabixin ah laga waday badda Mediterranean.

Hay’adda Sea Watch ee dalka Jarmalka ayaa sheegtay in mid ka mid ah maraakiibtooda ay u suurtagashay in uu badbaadiyo ku dhawaad 60 qof oo saarnaa doon sii quuseysay.

Balse waxa ay intaasi ku dartay in ciidamada ilaalada xeebaha dalkaasi Liibiya ee halkaasi joogay ay garaaceen dadkii saarnaa doontaasi, arrintaa oo ay ka dhalatay argagax iyo muhaajiriinta qaar ay badda ku daataan.

 Hay’addani ayaa sheegtay in muhaajiriintaasi aysan dhiman lahayn, haddii ciidamadaasi ay xaaladda dejin lahaayeen oo aysan rabshaddaasi ku kici lahayn.