Ciidamada Alshabaab oo qabsaday degmada Ceelbuur

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka Ahlu sunno ciidamada itoobiya ayaa shalay isaga baxay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada ka soo baxay Ceelbuur ayaa gaaray degmada Dhuusomareeb, waxaana la filayaa in ciidamada itoobiya inay isaga baxaan gabi ahaan gobolka Galgaduud.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa inoo sheegay in dowladda itoobiya ay arintaan uga gol leedahay inay cadaadis ku saarto dowladda Federaalka ah Soomaaliya.

Ciidamada Alshabaab oo farabadan kana yimid dhanka degmooyinka Xarardheere iyo Galhareeri ayaa maanta qabsaday degmada Ceelbuur oo muddo dhowr sano ah gacantooda ka maqneyd.

Magaalada Ceelbuur oo ah goob istaraatiiji ayaa ka bixitaanka ciidamada itoobiya waxay saameyn ku yeelan kartaa ammaanka magaalada Dhuusomareeb.