Galmudug oo soo gabangabeysay doorashadii Xildhibaanada cusub

Waxaa soo gabangaboobay doorashadii ka socotay magalaada Cadaado xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad goboleedka Galmudug. Magaalada Cadaado oo kamid lixda xarun doorasho ee sanadkan lagu dooranayey xildhibaanada Aqalada Sare iyo Hoose, waxaana halkaan lagu doortay 44 xildhibaan (36 aqalka hoose + 8 aqalka sare), waxaa Galmudug kaalinta labaad ka gashay xaqiijinta qoondada haweenka 25% (9 […]

Continue Reading

Mudanayaashii lagu doortay Cadaado oo Shahaadooyinkii xildhibaanimo la gudoonsiiyey (Sawirro)

Munaasabad xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyada Galmudug ayaa shahaadooyinkii xildhibaanimo lagu gudoonsiiyey mudanayaasha lagu doortay Cadaado. Munaasabadda ayaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed, Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi, wasiirka arimaha gudaha Dfs C/raxmaan Odawaa oo ka mid ahaa xildhibaanada Cadaado lagu doortay, mudanaayasha cusub ee labada aqal, wasiiro iyo xildhibaano Galmudug iyo marti Sharaf […]

Continue Reading

Sawirro: Dhismaha garoonka diyaaradaha iyo xarunta degmada Hobyo oo la dhagax dhigay (Sawirro)

Wasiiru dawlaha Gaadiidka, cirka iyo dhulka Galmudug Cabdulle Xasan Nuur, Wasiir ku xigeenka wasaaradda hawlaha guud ee Galmudug Axmed Cabdullaahi Maxamed ilkacase iyo guddoomiyaha degmada Hobyo Cabdullaahi Axmed Cali ayaa si wada jira u dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha Degmada Hobyo iyo xarunta degmada oo  lagu dhisidoono  mashruuca tabar-wadaag. Mashruuca tabarwadaag ee lagu dhisayo garoonka […]

Continue Reading

Gaari ku Qaraxay Bar kontorool Duleedka Magaalada Muqdisho (Sawirro)

Qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay Bar Koontarool ku taal Siinka Dheer duleedka magaalada Muqdisho , Bartan ayaa waxaa ku sugnaa ciidamo katirsan Nabad Sugida Qaranka NISA . Sida aan Wararka ku heleyno gaari yar oo nuuca raaxada lagana soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay […]

Continue Reading

Cabdishakuur Cali Mire oo maanta lagu doortay Cadaado (Sawirro)

Wasiirka Kuxigeenkii Hore ee Wasaarada Warfaafinta dowladda Soomaaliya Cabdishakuur Cali Mire ayaa ku guuleystay doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Magaalada Cadaado. C/shakuur Cali Mire ayaa ku guuleystay 49 cod kursiga 35-aad Beesha Mareexaan/ Ilmo Adeero, halka musharixii kale C/risaaq Cali Jaamac uu helay 2 cod, doorashada ka socota Cadaado ayaa waxaa haray 1 kursi […]

Continue Reading