Dowlada oo ciidamo Kumaandoos ah ku kordhisay kuwii horay u joogay Dhuusamareeb

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Ciidamo Kumaandoos ah ay dowladda Soomaaliya ka dejisay magaaladaas, kuwaasoo diyaarado looga daabulay magaalada Muqdisho. Sida wararku sheegayaan Ciidamadan Kumaandooska ayaa gaaraya lixdameeyo askari, waana ciidamo si gaar ah u tababaran, kuna hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan Kumaandooska ay hordhac u yihiin […]

Continue Reading

Deg deg:Xildhibaanada Ahlusunna ayaa ansixiyay gudigii farsamada Galmudug ee Shiikh Shaakir magacaabay

Xildhibaanada Ahlu Sunna ayaa ansixiyey Guddigii Farsamada Galmudug ee uu magacaabay Sheekh Shaakir. Tirsiga Xubnaha Soo Xaadiray kalfadhiga Baarlamaanka ayaa ah 111 xildhibaan. 110 xildhibaan oo kamid ah baarlamaanka ayaa ogolaatay in uu Sharci Yahay Gudigga Farsamo ee uu Magacaabey Sh Shaakir waxaana Diiday 3 xubnood, Sidaas waxaa Ku Dhawaaqey Guddoonka Shir Gudoominayay Kulankan . […]

Continue Reading

Gudigii farsamada maamul usamaynta Galmudug ee dowlada federaalka magacowday oo gudoomiye doortay

Wararka ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in guddiga doorashada galmudug ee ay dhowaan dowlada federalka magacaabeen inay doorteen guddoon. Guddigan ayaa guddoomiye waxa ay u doorteen Cabdinaasir Geelle Cilmi halka ku xigeen loo doortey Axmed Caafi oo kamid ah Xubnaha Guddiga. Guddoonkaan la doortay ayaa imanaya iyadoo uu khilaaf xoog leh […]

Continue Reading

Dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo Caawa laga dareemayo magaalada Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug ayaa caawa waxaa ka jira dhaqdhaqaaqyo ciidan, kadib markii ciidanka Dowladdu rasaas kooban ku rideen xerada Inji oo ah fadhiga Hoggaanka Ahlu Sunna. Dhanka kale Ahlu Sunna ayaa ciidan geysay xarunta degmada Dhuusamareeb, sidoo kale ciidanka dowladda ayaa wada dhaqaaq. Xiisadda Siyaasadeed ayaa cirka isku shareertay kadib markii labada Dhinac (Dowladda […]

Continue Reading

Maxaa laga filan karaa Dhuusamareeb?.

Magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug waxaa ku wada sugan labo guddi farsamo oo ay kala magacaabeen Wasaaradda Arimaha Gudaha DFS iyo Sheekh Shaakir. Arintaan ayaa muujinaysa inuu joogsaday Wadahadlkii labada Dhinac (Ahlu Sunna iyo Dowladda Dhexe), waxaana mid kasta si gaar ah u wataa howsha Dhismaha Galmudug. Waxay Dowladdu howsha ku wadataa xarunta Shiirkole, halka Ahlu […]

Continue Reading

Shiikh Shaakir oo magacaabay gudiga doorashada Galmudug

Madaxa Xukumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Magacaabay Guddiga farsamada Doorashooyinka iyo xalinta Khilaafaadka Galmudug. Qoraal kasoo baxay Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa lagu Magacaabey Guddigaas oo ka kooban 11 xubnood, waxaana lagu sheegay in uu ku saleysan yahay heshiiskii ay wada galeen Dowladda federaalka iyo Maamulka Galmudug. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa horay […]

Continue Reading

Gudiga Golaha Shacabka ee diyaarinta sharciga doorashooyinka oo gaaray dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug waxaa gaaray Wafdi ka socda Xubnaha Guddiga KMG ah ee  soo diyaarinta Sharciga doorashooyinka qaranka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Wafdiga oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa marka hore tegay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyaga oo uga soo gudbay dhinaca Magaalada Dhuusamareeb. Guddoomiyaha guddiga Doorashooyinka Ee Baarlamaanka Soomalaiya  Xildhibaan C/laahi […]

Continue Reading

Dowlada oo Hobyo geysay Doonyo Hub fara badan sida

Wararka ka imaanaya degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ay gaareen Doonyo siday Hub fara badan, kuwaasoo laga qaaday magaalada Muqdisho.   Sida wararku sheegayana doonyahan hubka siday ayaa la sheegayaa in dowladda Federaalka ay ugu tala gashay Ciidanka xoogga dalka ee qeybta 21aad. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in […]

Continue Reading

Madaxwayne Xaaf oo kasoo muuuqday xiritaanka madasha iskaashiga Soomaaliya

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa si lama filaan ah uga soo muuqday shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee maalintii labaad galay, iyadoo uu furitaankii shirka ee shalay uu ka maqnaa. Sida wararku sheegayaan dadaalo iyo wada hadalo qaatay saacado badan oo ay wadeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ayaa waxay ku guuleysteen inay Xaaf […]

Continue Reading