Carlo Ancelotti Oo Maanka Ku Haya Shaqada Arsenal

Ciyaaraha

Carlo Ancelotti ayaa go’aansaday inuu baaqi ku sii ahaado shaqa la’aan inta ka harsan xilli ciyaareedkan, lakiin waxa uu doonayaa inuu bedelo Arsene Wenger booska Arsenal  hadii ay u soo bandhigto shaqada, sida laga soo xigtay wargeysyada Talyaaniga.

58 jirkaan ayaa shaqada ka ceyrisay Bayern Munich khamiistii wax ka yar 24 saacadood ka dib markii guuldarro 3-0 ay ka soo gaartay Paris Saint-Germain  wareega group-yada Champions League.

Tan iyo markii uu ka tagay, Ancelotti ayaa lala xiriirinayay inuu ku laabanayo AC Milan, laakiin Mediaset Premium ayaa sheegaya in tababaraha Talyaaniga uu waqti nasiino qaadan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegeysa in shaqada kaliya ee Arsenal ay bedeli doonto Ancelotti maskaxdiisa marxaladdan hada la joogo.

Wenger ayaa saxiixay heshiis labo sanno ah dhamaadkii xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, laakiin wuxuu qirtay inuu ka careysan yahay ka hor inta uusan heshiis cusub u saxiixin ka dib markii cadaadis badan kala kulmay taageerayaasha kooxda markii ay ku guuldareysatay horyaalka Premier League.

Ancelotti  ayaa khibrad  u leh England isagoo hore labo sanno ku qaatay Chelsea. macalikaTalyaaniga ayaa ku guuleystay in uu kooxda ku hogaamiyo horyaalka iyo  labo koobj xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeysay ee Stamford Bridge laakiin waxaa laga ceyriyay dhamaadkii xilli ciyaareedkan ka dib markii uu ku guuldareystay inuu koob ku guuleysto.

W/Q Hafsa haji