Caqabadaha Siyaasadeed Iyo kuwa Amni Ee horyaala Maamulka Galmudug.
……………………………………………………………………………
“Waxaa laga yaabaa in aanan dhigin Galmudug halki eey shacabku rabeen laakiin Dadku in eey doortaan cida eey rabaan waxa eey ku xirantahay in qofkasta codkiisa u dhiibto si xor iyo dimoqoraadiyad ah”
Maamulka Galmudug waxaa uu dhawaan Madaxweeyne u doortay Axmed Ducaale Geele Xaaf dhawaana waxaa lagu caleema saari doona Cadaado Xarunta Kumeel gaarka ah ee Galmudug, kadib Muddo uu Madaxweeyne la’aan ahaa Maamulka Galmudug, markii uu shaqada kategay Cabdkarim Xuseen Guuleed oo Muddo laba sano ku dhaw hogaaminayay maamulka Galmudug.
Maamul wax tar leh waxa laga rabaa in uu helo laba qodob,
1. in uu helo qalfoof siyaasadeed ( Haykal) kaas oo masuul ka ah dhul cayiman iyo sharciyo la isla aqbalay,
2. inu helo hay’ado fuliyo shuruucda la isku raacay si wax tar leh.
Dhisida Doowladnimadu waa shaqo hore u socod ah, isna bad badasha iyadoo lala jaan- qaadaayo baahida horumarineed ee deegaanka sababtoo ah waxaa soo baxaya caqabado had iyo jeer ku soo gud boonaada doowlad dhisida, hadaba caqabadaha Siyaasadeed iyo kuwa amni ee ku hor gudban mamulka Galmudug waxaa ka mid ah.
1. ASWJ, Maamulka Ahlusuna Waljamaca ayaa kamid ah Caqabadaha waa weeyn ee dhanka Siyaasada ah ee Galmudug laga doonayo in eey wajahdo, sida eeynu ka warqabno waxaa si aan wanaagsaneeyn ku dhamaaday dhex dhexaadin eey gar wadeen ka aheeyd Doowlada dhexe oo u dhaxeeysay ASWJ iyo Galmudug, runtii raja weeyn ayaa laga qabay in uu mira dhalo laakiin taasi ma dhicin oo waa lagu kalatagay, Hada Madaxweeynaha cusub waxaa sugaya in uu wajaho arintaas iyo sidi la isugu soo dhaweeyn lahaa bulshada reer Galmudug xal waarana looga gaari khilaafka na ragaadiyay.
2. Xoreeynta dhulka Alshabaab Maamulaan, Galmudug qeeyb ahaan waxaa maamula Ururka Alshabaab dhulka Alshabaab heeystaan waxa uu u baahanyahay istaraatiijiyad looga saaro iyadoon dhibaaato kale la gaarsiin bulshada ku dhaqan dhulka Alshabab maamulaan doowladnimadana lagaarsiiyo si eey u helaan xaqa eey ku leeyahiin Maamulka Galmudug.
3. Ladagaalanka Burcad Badeedka, xeebaha Galmudug waxaa inta badan laga sheegaa Burcad badeed qafaalata maraakiibta shixnahada sida ee ukala gooshaya aduunka kuwaas oo ka dalbada madaxfurasho eey ku badalanayaan Markabka iyo shaqaalaha saaran.
4. Qaadista Isbaarooyinka, meela badan oo gudaha Galmudug ah waxaa yaal Isbaarooyin lagu qaado lacago sharci darro ah, arintaasi waa dhaawac weeyn waxa eey u baahantahay in wax laga qabto waxaana laga sugayaa Mamulka Xaaf in uu wax ka qabto isbaarooyinkaas.
5. Dib u heshiisiinta, bulshada reer Galmudug waxa eey u baahanyahiin dib u heshiisiin siyaasadeed in la dhex dhigo oo eey si dhab ah uga heshiiyaan siyaasada iyo wax wada lahaashaha dhexdooda ah taasi oo aan hada jirin, in si dhab ah looga heshiiyo waxa dadka ka dhaxeeyaa waxa eey u baahantahay farsmo iyo daacadnimo in lagu wajaho sixal looga gaaro mad madowga jira wax wada la haashaha bulshada Galmudug dhexdeeda ah.
6. Daadejinta Maamulka, baahinta maamulka waa mid ka mid ah caqabadaha siyaasadeed ee jira kuwaas oo Maamulkii Cabdikariim Xuseen Guuleed qabsaday, sababtoo ah beelaha isla daga ama jufooyinka waxaa mid kasta oo kamid ahi doonayaa sad dheeri ah taasi oo dhibaato ku noqotay in dagmooyinki maamulo loodhiso si bulshada deegaanku u heelaan adeega doowliga ah.
Waxaan ku soo gaban gabeeynayaa in si wada jir ah loogu istaago sara kicin Galmudug Rag iyo Dumarba, waxaan aaminsanahay in aan meel gaarsiin karno hadii aan is kaashano, inaga oo ka run sheegeeyna waxa aan qabaneeyno, waxaan sare u qaadi karnaa Amni ahaan Siyaasad ahaan iyo Dhaqaala ahaan intaba.
W/Qorey: Xildhibaan Garaad Yuusuf