Home » Ciyaaraha » Hector Cuper: ‘Real Madrid waxay dooneysaa Mohamed Salah’ Date :December 3, 2017 Author :Hafsa Haji

Hector Cuper: ‘Real Madrid waxay dooneysaa Mohamed Salah’

Tababaraha xulka Masar Hector Cuper ayaa sheegtay in Real Madrid ay dooneyso inay la saxiixato weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah.

Salah ayaa Liverpool kaga soo biiray AS Roma xagaagan, waxaana 25 jirkaan uu dhaliyay 16 gool 20 kulan oo uu u saftay kooxda Merseyside xilli ciyaareedkii 2017-18.

Sida laga soo xigtay macalinka xulka Salah, Real Madrid ayaa si dhow ula soconeysa weeraryahankeeda ka hor inta uusan dhaqaaqin suuqa kala iibsiga xagaaga soo aadan.

“Waxaan helay warka saxda ah ee muujinaya xiisaha Real Madrid ee Salah, lakiin ma ahan inaan waxyaabahaan riixno” ayuu Cuper u sheegay ON Sport TV. “Aniga ahaan, wuxuu ku jiraa boos aad u fiican.”

Salah ayaa saxiixay qandaraas shan sano ah oo uu kula joogayo Liverpool markii uu yimid xagaagan.

253 total views, 5 views today

Aragtidaada ka dhiibo