Bandhigga Buugaagta Cadaado oo lasoo gabangabeeyey #CBF2018 (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Bandhigga Buugaagta Cadaado 2018 ayaa galabta kusoo gabangaboobay xarunta Kafaalo oo laba maalmood halkaas ka socday, Bandhigan ayaa lagu soo bandhigay buugaaga kala duwan, sidoo kalewaxaa lagu qabtay dood cilmiyeedyo. Abwaano ayaa kusoo bandhigay suugaan kala duwan.

Qorayaal iyo abwaano Soomaaliyeed ayaa dhul fog uga soo safray sidii ay uga qeybgali laahaayeen bandhigan oo ah sanadkii koowaad ee la qabto, sidoo kale Marti kale ayaa timid deegaanada Galmudug.

Bulshada Cadaado ayaa dhexda u xiratay martigelinta bandhigan, dhalinyarada Cadaado ayaa ahaa dadkii ugu badnaa ee ka qeybgala bandhigan, iyagoo iibsanayey buugaag kala duwan.

Madaxweyne Farmaajo oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa bogaadiyey Bandhigga Buugaagta Cadaado, sidoo kale Inta badan bulshada Soomaaliyeed ayaa aad u soo dhaweeyey in Magaalada Cadaado noqoto magaalo koboc fiican ka sameynaysa dhanka aqoonta iyo horumarka.