Banaanbax looga soo horjeedo wadooyinka xiran oo Muqdisho ka dhacay

Wararka Maanta

Boqolaal ka mid ah darawalada gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho ayaa saaka bilaabay banaan bax ay uga soo horjeedaa dowladda Federaalka oo ay sheegeen inay xiratay waddooyinka Muqdisho.

Darawalada oo ahaa kuwo careysan oo dhagxaan tuurayay ayaa waxay xirteen qeybo ka mid ah waddooyinka qaar, sida wadada Isgoyska Zoobe oo halbowle u ah isu socodka qeybo ka mid ah magaalada.

Sidoo kale darawalada ayaa xirtay dhanka Buulo Xuubey, iyagoo diidan in la maro wadada, waxaana ay ku qeylinayeen halku dhigyo ka dhan ah dowladda Federaalka.

Qaar ka mid ah darawalada ayaa sheegay in dowladdu ay ka rabto canshuur, jidadkiina ay xirtay, taasna aanay suura gal aheyn, waxaana ay ku hanjabeen inay sii wadi doonaan dibad baxyada.

Ciidamada Ammaanka ayaa horay u xiray waddooyin dhowr ah, iyadoo uu hakad galay in gawaarida ay ka soo gudubto wadada Wadnaha, tusaale gaadiidka ka shaqeynaya dhanka degmooyinka saaran wadada Maka Al-Mukarama ayaa rakaabka ku dejinaya agagaarka Wadada wadnaha, halkaasoo dadka ay ka lugeynayaan oo daanta kale ee wadada ka raacayaan gaadiidka.

Gaadiidkii maalin kasta labada dhinac magaalada isaga kala gooshi jiray ayaa ku soo koobmay hal dhinac jidadka xiran awgiis, waxaana darawalada ay tilmaameen in maalintii ay u shaqeeyaan shidaal kaliya, balse aanay wax faa’ido kale heysan, tiiyo ay u sii dheer tahay canshuurta.