Mareykanka Oo Sheegtay Mas’uuliyadda Weerarkii Basra

Wararka Maanta

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in weerar is difaacid ahaa ay ka fulisay degaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Taliska Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan Africom ayaa sheegay in weerarka ka dhacay degaanka Basra ay ku dileen afar ka mid ah Al-shabaab.

Waxaa uu qoraalka intaas ku daray in dhamaan dadka weerarkaas wax yeellafa ka soo gaartay ay ka tirsanaayeen AL-shabaab islamarkaana uusan jirin qof rayid ah oo waxyeello ka soo gaartay.

Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa shalay sheegatay in weerarka ka dhacay Basra ay ku dishay 6 ka mid ah Al-shabaab,waxaana kala duwan khasaaraha ay kala sheegeen Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya.

Weerarka uu Mareykanka ka geystay tuulada Basra waa kii 39aad ee sanadkan kaliya uu Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya,waxaana uu sare u dhaafay weerarradii 2017kii oo gaarayay 33 weerar.