Abuu Mansuur oo Muqdisho ka soo degay

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa ka soo degatay diyaarad siday Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), taasi oo ka soo qaaday Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool. Imaanshaha Sheekh Muqtaar Roobow ee Muqdisho ayaa ka dambeysay ka gadaal markii saakay uu magaalada Xudur kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed, Taliye […]

Continue Reading

Farmaajo oo ka hadlay ansixinta xeerka Isgaarsiinta Qaranka iyo arrimo kale

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo maanta booqday xarunta Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo ay ku yaallaan TV-ga Qaranka iyo Radio Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xiriira xaalada dalka. Mudane Farmaajo ayaa sheegay in markii labaad ay tahay oo uu Xarunta Wasaaradda Warfaafinta uu soo booqdo, isagoo xusay in sanadkii […]

Continue Reading

SAWIRADA;-Xaflada Furitaanka iskuulka Imaamu Maalik Sanad dugsiyeedka 2017/2018

Munaasabadaan oo A heed Furitaanka iskuulka imaamu maalik Ee Magaalada cadaado sanad dugsiyeedka 2017/2018 ayaa galabta waxaa ay kadhacday gudaha iskuulkaasi Waxaan Kaqeeb galay masuuliyiin Kasocota wasaarada waxbarashada galmudug Waalidiin iyo Qeebaha kala duwan ee bulshada Munaasabada intii ay soconaysay ayaa waxaa lagu soo bandhigay riwaayada katurjumaya muhiimada ay leedahay waxbarashadu ugu danbeentii waxaa abaal […]

Continue Reading

Deg Deg:- Mas’uul ka tirsan Maamulka Puntland oo lagu dilay Boosaaso

War deg deg ah oo hadda naga soo gaarey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in magaalada lagu diley Allaha u naxariistee Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee gobolka Bari  Khalar Buncun. Wararka ayaa sheegaya in Dableey Hubeysan ay Dileen Guddoomiye Kuxigeenkii hore Ee Gobolka Bari,kuwaas oo Goobta ka baxsaday. Ciidamada Ammaanka Maamulka Ee Magaalada Boosaaso […]

Continue Reading

Galmudug iyo Puntland oo maanta koonfurta Galkacyo ku shiray

Shir u dhexeeya Mas’uuliyiinta Maamulada Puntland iyo Galmudug iyo Odayaasha Labada Dhinac ayaa Maanta ka dhacay Hotelka Five Star Ee Koofurta Magaalada Gaalkacyo. Shirkaan ayaa ah mid looga arinsanayo Nabad galyada Gobolka Mudug iyo sidii aysan u soo laaban laheyn Dilalka ka dhaca Miyiga Gobolka Mudug,waxaana Labada dhinac ay diirada ku saareen in Shirku uu noqdo […]

Continue Reading

DF “Dilkii Cali Jabal wuxuu wiiqayaa falalka ay Shabaab shacabka ku u gaarsanayaan”

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Dilkii Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) oo lagu dilly weerarkii 30-kii July 2017 inay wiiqeyso falalka ay Al-shabaab shacabka ku ugaarsanayaan. Cali Jabal waxuu ka mid ahaa saraakiisha sare ee Al-Shabaab, waxuuna mas’uul uga ahaa caasimada Muqdisho oo uu ka danbeeyey falalkii Al-shabaab ku beegsanayeen shacabka Soomaaliyeed, sida ay […]

Continue Reading

Somaliland oo xirtay Kaniisadii laga furay Hargeysa

Maamulka Somaliland ayaa albaabada isugu dhuftay Kaniisadii 28-kii bisha July ee sanadkan dib looga furay magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland, taasi oo la sheegay sida uu qorshuhu ahaa in ay ku cibaadeysan lahaayeen dadka aan muslimka aheyn. Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta maaamulka Somaliland Sheekh C/laahi Axmed oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay […]

Continue Reading

SAWIRADA;-R.W Khayre oo Ciidanka Qalabka Sida ku ammaanay Xasilinta dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyaan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, ayaa maanta ka qeyb galay kulanka ciidamada Qalabka Sida, isagoo ku ammaanay Xasilinta Dalka kuna dhiirigeliyey inay sii laba jibaaraan doorkooda soo celinta Amniga, Xasilinta iyo Nabadeynta Dalka. Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha dalka oo khudbad u jeediyey ciidamada ayaa ka hadlay […]

Continue Reading

Bisha soocota oo lafuridoono Saldhiga ciidamada turkiga Ee muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed ayaa sheegay in bisha soo socota ee September si rasmi ah loo furi doono xerada Ciidamada ee Turkiga uu ka dhistay magaalada Muqdisho, halkaasi oo iminkaba lagu sii xareeyay Dhalinyaro ka mid noqonaya Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya. C/rashiid C/laahi Maxamed Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay qorshaha in uu […]

Continue Reading

3 Qof oo ku dhimtay shil diyaaradeed oo ka dhacay Jabuuti

Shilkani diyaaradeed oo ka dhacay garoonka ay leeyihiin ciidamada Cirka ee dalka Jabuuti ayaa sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kadib markii ay bur burtay diyaarad military oo ay saarnaayeen askar katirsan dalkaasi. Sida uu ku soo warramayo wariyaha warbaahinta qaranka dalka Jabuuti Mikaa’iil C/rashiid Barre, Waxaa shirkaasi ku dhintay Duuliyihii diyaaradaasi oo lagu […]

Continue Reading