Askar Kenyan ah oo ku dhintay qarax miino oo ka dhacay duleedka magaalada Garissa

Wararka Maanta

Ugu yaraan toban askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa lagu diley qarax miino oo ay la kacday gaari ay saarnaayeen meel ku dhow magaalada Garissa ee dalka Kenya.

Ciidamadan oo howlgal ku jirey ayaa ka tegey xero ku taal Xarxaar waxaana ay ilaalo ka ahaayeen xadka kala qeybiya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Sarkaal u hadlay ciidamada Booliska dalka Kenya Hillary Mutyambai ayaa sheegay in ciidamo isugu jira Milatari,Police iyo qaar kalaba ay ka howlgalayeen deegaanada ku dhow xadka kala qeybiya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen weerarkan miinada ah,ayna ku dileen toban askari. Waxaana sidoo kale warkan baahiyay warbaahinta dalka Kenya.

Sidoo kale ururka Alshabaab ayaa sheegtay in ay maanta weeraro qaraxyo miino ah ay la eegteen ciidamada dowlada duleedka degmada Balcad iyo deegaanka Warmaxan ee degmada Wanlaweyn.

Al-Shabaab ayaa sheegay in qarax lagula eegtey meel ku dhow deegaanka Warmaxan ee gobolka Sh/hoose ay ku dileen illaa afar askari halka toddobo kalana ku dhaawacmeen, sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegay in afar askari oo saarnaa gaari nooca Cabdi Bilaha loo yaqaan ku dhaawaceen qarax lala eegtey meel ku dhow deegaanka Gololey ee degmada Balcad.