Akhriso: Magacyada Musharixiinta Beri khudbooyinka Jeedinaya

Wararka Maanta

Maalinimada Sabti ah 4 Feberaayo 2017 ayaa mudanayaasha Aqalka sare iyo golaha Shacabka waxaa  khudbado ka horjeedin doona Sideed Musharax. Musharaxiinta Khudbadaha jeedin doona Sabtida ee ay shaaciyeen Guddiga Doorashada Madaxweynaha ayaa kala ah:

  1. Cabdinaasir Cabdulle Maxamed
  2. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
  3. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud faroole
  4. Cabdulaahi Cali Axmed ( Cadow Cali Gees)
  5. Eng. Cabdullaahi Cali Xasan
  6. Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi
  7. Cabdulqaadir Cosoble Cali
  8. Cali Xaaji Warsame

Shalay ayaa xildhibaanada Baarlamaanka waxaa khudbado ka horjeediyay 7 Musharax oo ay ka mid yihiin Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale Maalinta Axada ah ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo dooda oo la dhageysto Sideeda Musharax ee ugu dambeysa.