Afgooye: Qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda

Wararka Maanta

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax miino oo maanta ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.

Miino la sheegay iney dhulka ku aasneyd ayaa lagu qarxiyey askar ka tirsan ciidanka dowladda oo ku saarnaa gaari cabdi bile ah oo marayay bartamaha degmadaasi.

Inta la hubo Seddex qof oo halkaasi ka dhowaa ayaa dhaawacyo fudud kasoo gaareen qaraxaasi, iyadoo aan lasoo warin khasaare kale oo halkaasi ka dhashay waxaana dadka dhaawacmay loo qaaday xarumaha Caafimaadka Afgooye.

Qaraxa kadib, ciidamada ammaanka ayaa bilaabay howlgallo ay ku baadigoobayaan cid walbo oo ka dambeysay qaraxan, balse lama sheegin cid howlgalkaan lagu qabtay.

Saraakiisha Ciidanka ee Degmada wax kama soo saarin qaxaa maanta iyo hadii ay jiraan qasaare soo gaaray Ciidamadii lala eegtay miinada

Falalka amni darri ayaa maalmahan dambe kusoo badanayey degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo maamulka degmadaasina uu sheego in ay wax badan ka qaban doonaan arrimaha ammaanka.

 

Ceelhuuronline