Abshir bukhaari oo noqday gudoomiye ku xigeenka 1aad ee aqalka sare

Wararka Maanta

Xidhibaan Abshir Maxamed Axmed “Bukhaari” ayaa noqday guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Doorashada hadda ka socota xarunta Aqalka Sare ee Baaralamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ku guuleystay Abshir Maxamed Axmed “Bukhaari” oo noqday guddomiye ku-xigeenka Koowaad ee ugu horreeyay ee loo doorto Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii uu ku guuleystay codod gaaraya 30 cod.

Abshir Bukhaari waxaa uu horey u ahaa guddoomiyaha Warbaahinta Goobjoog Media Group, waxaa uu sidoo kale soo noqdey agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya.
Bukhaari oo hada noqday gudoomiye kuxigeenka 1aad ee aqalka sare ee soomaaliya ayaa ah nin dhalin yaro ah islamarkaana lagu rajaweynyahay inuu waxbadan kabadalo aqalka sare ee soomaaliya.
labada aqal ee baarlamaanka soomaaliya ayaa aad loogu haminayaa in ay kutilaabsadaan hormar balaaran maadaama gudoonka baarlamaanka labada aqal ay yihiin dad qibrad uleh shaqada maamulka baarlamaanka.
October 15, 2016: waxaa uu noqday senetor-kii ugu horreyay ee Soomaaliya lagu doorto kaasi oo laga soo doortay magaalada cadaado ee galmudug.

Cododka Sida Loo Kala Helay:

Abshir Maxamed Axmed: 30

Cabdi Axmed Dhuxulow:22

Doorashada guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ayaa hadda kabilaabatay xarunta aqalka sare waxaana socota tirinta codadka xildhibaanada, waxaan u tartamaya 7 xildhibaan oo ka tirsan Aqalka Sare.

Bukhaari-1132x670 (1)

aqalka-sare-cabdi-xaashi-1-1132x670