Abaarta ka jirta deeganada Maamulka Galmudug (Warbixin+Sawirro).

Wararka Galmudug Wararka Maanta

iyadoo ay kasii darayso xaaladda abaareed ee ka jirta deegaannada Galmudug ayaa maamulka Galmudug wuxuu diray dhawr wefti oo loo kala diray dhammaan deegannada Maamulkaas, kuwaas oo qiimaynaya baaxadda abaarta, si gurmad deg deg ah loo abaabulo.

Wefdiyada maamulku diray ayaa dhammaan deegaannadii ay tageen waxay ugu tageen dad ay xoolihii ka dhammaadeen oo diif iyo diihaal ba’an ka dhaxlay musiibada Abaarta, deegaannada qaar dad ayaaba u geeriyooday nafaqo darro, sidoo kale waxaa jira dad qaab deldelaad ah isku dilay, kadib markii ay abaarta ku waayeen dhammaanba duunyadii ay dhaqanjireen.

Deegaannada ugu daran ee masiibooyinkaas ay saameeyeen waxaa ka mida , deegaannada Baxdo, Qaydaro, Wissil, Hobyo, xero-dhagaxlay, Col-guula, wargalo iyo deegaanno kale,
CATOOSH MUQTAAR KU NOOL DEEGAANKA QAYDARO ayaa yiri :” deegaanka qofkii ka tegikaray waa ka barakacay, xoolihiina waxay u qaybsameen in abaarta ku le’day iyo in ceelashii soo gaari waayey, marka abaarta na haysataa ma sahlana”.

MAXAMUUD JIMCAALE WARDHEERE OO KU NOOL DEEGAANKA XERO DHAGAXLAY ayaa yiri :” Xaaladdeennu meel xun ayey maraysaa, xoolihii waxay noqdeen wax le’day iyo wax liita, biyo ma haysanno, marka Xaaladdeennu waa liidataa, waxaan codsanaynaa cid kasta oo na caawinkarta inay noosoo gurmato,

WASIIRKA GARGAARKA BINU’AADAMNIMADA IYO DARYEELKA NAAFADA MAAMULKA GALMUDUG SHIRE XIRSI MAXAMUUD OO HOR KACAYEY GUDDIGAAS AYAA KA HADLAY DHIBAATADA DEEGAANKA KA JIRTA: ” Deegaanada aan marnay waxaan ku aragnay dhibaato lixaad leh oo ay abaarto keentay, waxaan qaylo dhaan u diraynaa dhammaan umadda Soomaaliyeed, Maamulka Galmudug, dawladda Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha caalamiga ah waxaan u sheegeynaa in xaaladda abaarta Galmudug ay kasii darayso, sidaas darteed waa in la sameeyaa gurmad ballaaran oo deg deg ah”.

15241817_1271832132881561_7268592142630672458_n 15253572_1271832276214880_4877187130807860828_n 15267638_1271831876214920_8413693724130930315_n 15326459_1271831966214911_5122952185934676106_n 15337606_1271832512881523_4363094308426489644_n 15338858_1271832346214873_1237361016473260863_n 15349607_1271832669548174_5231324854600471978_n 15355702_1271832219548219_144721280179106149_n 15356479_1271832056214902_1313484192296276157_n

Cabdi Xasan Awoowe