Aabihii baariga ahaa ee lagu Gowracay Gal-Gaduud Cabdi Diiriye Cadaawe (Fadlan aqri)

Arimaha Bulshada Wararka Galmudug Wararka Maanta

Aabihii baariga ahaa ee lagu Gowracay Gal-Gaduud Cabdi Diiriye Cadaawe (Fadlan aqri)

FB_IMG_1490908818035

Dadka ku nool Gal-Gaduud abaarta waxaa u dheer gumaadka askarta Itoobiya ee magaca Amisom ku jooga Somalia kuwaas oo tacdi badan ka geystay halkaas labadii sano ee ugu dambeysay.

Askarta Itoobiya ee fadhiga kuleh dagmada Ceelbuur ee gobalka Gal-Gaduud ayaa dil arxan daro ah u geystay shalay aabe 75 jir ah oo ku sugnaa tuulada Ceel-lahelay oo hoos tagta dagmada Ceelbuur, Cabdi Diiriye Cadaawe ayaa xanaaneyn jiray hooyadiis oo 95 jir ah aragana beeshay sidoo kalana qabta wadno xanuun.

Dadka tuulooyinkaas ayaa caan ku ah iney howdka u cararaan markii ay ciidamada Itoobiya ka yimadaan Dhuusamareeb oo ay ku sii jeedaan Ceelbuur ama marka ay kasoo laabanayaan madaama ay dhowr jeer dad ku gumadeen Tuulooyinka, qaar dadkaas ka mid ah masaajido ayaa loogu galay oo lagu dhex dilay, waxaa kaloo dadka la dilay ka mid ah haween iyo caruur.

Qof ka mid ah dadka ku sugan tuulada Ceel-lahelay ayaa ii sheegay in Cabdi Diiriye Cadaawe uu awoodi waayay inuu duurka u baxsado markii ay ciidamada Itoobiya kusoo dhowaadeen magaaladda madaama ay hooyadii xiligaas xanuunsaneyd kadibna waxaa uu go’aansaday inuusan hooyadii oo aadaareysa cidlada uga tagin waxaana goobta ugu yimid ciidankii Itoobiya kadibna waa wateen saacado kadibna meydkiisa ayaa lasoo helay, waxaa la ii sheegay in la gowracay inkastoo qof qoyskiisa ka mid ah oo dalka ka maqan oo aan la hadlay uu ii sheegay in 30 xabadood lagu dhuftay.

Bal qiyaas xaaladda ay saacan ku sugan tahay hooyo 95 jir ah oo aan waxba arki karin, wadnaha ka xanuunsan oo wiilkeedii xanaanjiray silacaas loo dilay.

Cel celis ahaan bil kasta 10 dil oo arxan daro ayey Itoobiya ka fulisaa Ceelbuur iyo hareerihiisa, 90 cisho ka hor Tuulada Wabxo ayey ku dileen sadex qof oo isku qoys ah oo ay ku jirtay haweeney uurleh waxaa ay sidoo kale labo qof ku dileen Masjid ku yaala Tuulada Ceelqooxle, Dad ay ka afduubteen agagaarka tuulada Ceel-shiil ayaa si xoog ah ugu qabta shaqooyin gaar gudaha Ceelbuur waxaana ku jira dumar xoog lagu heysto, Waxaa kale oo u afduuban dhalinyaro boqolaal ah.

Ma jiro masuul Soomaali ah oo arintaan wax ka yiri xitaa dadkaas tacsi kama helaan maamulka Gal-Mudug ama Dowladda dhexe waxaase iigu darneyd markii nin wasiir ka ahaa Dowladii madaxweyne Xasan Shiikh lagu yiri wasiir dadkaas dhibaato ayey shegayaan ee maxaad ka qabaneysa in wasiirkii uu ku jawaabay, “Labada qabiil ee halkaas dagan gabigood waa Al-Shabaab ee warkooda iga dhaaf” nasiib daro shacabka dagmadaas iyo hareeraheeda kunool waxaa ay lee yihiin ku dhowaad 15 xildhibaan oo Dowladda dhexe u matala, Wasiiro iyo Taliyaal ciidan maantana Ra’iisul wasaaraha ayeyba lee yihiin inkastoo dhacdooyinka qaar ay isaga ka horeeyeen, ma aqaano sababta xildhibaanada , wasiiradaas iyo saraakiishu ay uga hadli la’a yihiin gumaadka ku socda dadka ay Dowladda dhexe ku matalaan.

Ceelbuur waa dagmada qura ee aan hada la daganeyd Somalia oo dhan, waxaa ay umuuqata meel ay dayaceen dadkeedii nuuc walba oo ay ahaayeen waa dagmada ugu siyaasinta xun Somalia xaga damiirka iyo danimada waxaana ay Soomaalida kale ee dhaqaaqa leh weydiisaneysa gurmad hadalba ha noqdee madaama ay siyaasiyiinteedii noqdeen dad danahooda shaqsiga ah ka door biday danta guud.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
Email: raafac22@gmail.com