Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed oo lakala diray

Wararka  aan ka helayno magaalada baydhabo ayaa sheegaya in baarlamaanka K/Galbeed la kala diray maanta kadib markii xal laga gaari waayey Khilaaf kala dhaxeeyey xukuumadda Madaxweyne Cabdi Caziz Lafta Gareen. Muddo xileedka baarlamaanka koonfur galbee ayaa waxaa uu ku egyahay December sanadkan, laakin Lafta gareen ayaa balanqaaday xiligii doorashada iney haddii isaga doortaan isla dhameysan […]

Continue Reading

Duqa muqdisho oo la kulmay safiirka maraykanka ee soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa la kulmay Safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Donald Yamamoto. Kulankan ayaa ka dhacay Xarunta Safaarada Mareykanka ee ku taal Xerada Xalane ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta wada shaqeynta maamulka Gobolka Banaadir iyo safaarada Mareykanka, […]

Continue Reading

Al-shabaab oo kordhiyay weerarada ay ku hayaan injineerada turkida ah ee ku howlan dhismaha wadada muqdisho iyo afgooye

Al-Shabaab ayaa kordhisay beegsiga ay ku heyso Injineerada gacanta ku heysa dhismaha wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, iyagoo dhowr weerar oo qaraxyo ah u dhigay howlwadeenadan oo intooda badan khasaare dhaawcayo ah lagu gaarsiiyay. Weerarkii u dambeeyay waxa uu duhurnimadii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee bartmaha magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi lagu qarxiyay […]

Continue Reading

Xaalado bini aadanimo oo laga soo sheegayo gobolka Gedo

Dad u badan Haween iyo Caruur oo ka barakacay duqaymaha diyaaradaha ay wadaan ciidamada Kenya Gobolka Gedo iyo Abaaraha ayaa gaaray gaaray magaalooyinka Baardheere, Ceelwaaq iyo Garbahaarrey. Wararka aan ka heleyno gobolka Gedo ayaa sheegaya in dadka ku dhaqan halkaasi ay isaga barakaceen guryahoodi, kaddib markii ay soo food saartay xaalad Banii’aadanimo oo aad uliidata. […]

Continue Reading

Nuxurka khudbadda madaxwayne Farmaajo ee Qaramada midoobay

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirweynaha Qaramada Midoobey ayaa ka warbixiyey xaaladda siyaasadda, dhaqan dhaqaale iyo amni ee dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa soo bandhigay qorshayaasha hortabinta leh ee ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, kuwaas oo xoojiyey midnimada, wadajirka iyo yididiillada shacabkeenna. Madaxweynaha ayaa la wadaagay […]

Continue Reading

Dowlada Qatar oo dhinacyada siyaasada soomaalida ugu baaqday ka fogaanshaha xasilooni daro siyaasadeed

Dowladda Qatar ayaa ugu baaqday dhinacyada Soomaaliya ee isku khilaafsan siyaasadda Soomaaliya inay meesha ka saaraan, kana wada shaqeeyaan sidii horay loogu sii wadi lahaa geeddi socodka Siyaasadeed, loona xoojin lahaa dadaalada dib u heshiisiinta Qaranka, la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo kor u qaadista xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda aasaasiga ah. La Taliyaha Waaxda Xuquuqda Insaanka ee Wasaaradda […]

Continue Reading

Uhuru kinyata oo khudbadiisa qaramada midoobay kaga hadlay arimaha muranka badda

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo khudbad ka jeediyay fadhiga 74aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa soo hadal qaaday muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ee dacwadeeda taal Maxkamadda Caalamiga ee ICJ. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in maamulkiisa uu sii wadayo dadaalada uu ku bixinayo in dowladda Federaalka Soomaaliya in xal saaxibtinimo ka gaaraan […]

Continue Reading

Hay’adda duulista hawada oo beenisay inay xayirtay duulimaadyada aada kismaayo

yadoo 23-kii bishan ay aheyd markii Shirkadaha diyaaradaha lagu wargeliyay in aanay muddo saddex cisho ah wax duulimaad ah ka sameyn karin Kismaayo, kaddib warqad ay ka heleen Hey’adda Duulista Hawada ayaa war ka soo baxay Maamulka Hey’adda lagu sheegay in aanay waxba ka jirin.   Maareeyaha Hey’adda Duulista Hawada Soomaaliya Axmed Macalin ayaa sheegay […]

Continue Reading