Madaxweyne Farmaajo oo saxiixey sharciga Maareynta Maaliyadda Guud iyo sharciga Shirkadaha Ganacsiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga Maareynta Maaliyadda Guud iyo sharciga Shirkadaha Ganacsiga oo hagaya qorsheyaasha dowladda ee dib u habeynta dhaqaalaha iyo la dagaallanka musuq-maasuqa. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka dadaalka ay ku bixiyeen sidii loo turxaan bixin lahaa, loona dhammeystiri lahaa sharciyadan oo waxtar […]

Continue Reading

C/kariim Guuleed oo dhaliil usoo jeediyay qodobka 11aad ee sharciga doorashooyinka

Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa si weyn walwal uga muujiyay qodob cusub oo lagu soo daray sharciga doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal, kaasoo shalay loo qeybiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka. Qodobkan ayaa ahaa in Madaxweynaha uu Ra’iisul Wasaaraha ka soo magacaabayo Xisbiga ku guuleysta aqlabiyada Baarlamaanka, waxaana qodobkaas uu ku tilmaamay inuu gacmaha […]

Continue Reading

Jowhar:Askari wiil dhalinyaro ah u dilay shan kun oo shilling soomaali ah

Mid ka mid ah ciidamada booliska Hirshabelle ayaa ku diley gudaha suuqa Hantiwadaag ee magaalada Jowhar wiil  dhalinyaro ah oo ka mid ahaa kalluumeysatada magaalada Jowhar. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in askariga dilka geystey uu lacag baad ah waydiistay xilli uu  wiilka la diley keenay suuqa mallaay ama kalluun uu ka soo jilaabtay wabiga […]

Continue Reading

Akhriso:Sharciga doorashooyinka oo lagu kordhiyay qodob kala dhantaalaya awooda madaxwaynaha ee hada

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta loo qeybiyay sharciga doorashooyinka qaranka ee heer Federaal, kaasoo muddooyinkii u dambeeyay ay dood kulul ka lahaayeen Xildhibaanada. Sharcigan loo qeybiyay Xildhibaanada ayaa wax ka bedel badan lagu soo sameeyay, iyadoo intii doodda socotay lagu daray aragtiyo iyo fikrado ay ka dhiibteen sharciga Xildhibaanada, waxaana lagu wadaa […]

Continue Reading

Kooxo hubaysan oo ku weeraray dhuusamareeb gudoomiyihii hore ee D.Hodan

Rag hubeysan ayaa Magaaladda Dhusomareeb ee Caasimadda Galmudug waxa ay ku weerareen Agaasime Maxamed Axmed Cantoobo iyo Dr Cumar Aadan Rooble oo kamida Masuuliyiinta Dowladda Somaliya ee ka shaqeynaya dhismaha Maamulka Galmudug. Masuuliyiintan ayaa rasaas mar qura lagu furay xilli ay sii galayeen Hoyga ay Magaaladda Dhusomareeb ka daganyihiin. Ilaaladda la socotay Agaasime Maxamed Axmed […]

Continue Reading

Ahlusunna oo laga joojiyay xaflad ay dhuusamareeb ku qabsan lahaayeen

Ciidamada Booliska ee dowladda Federaalka ayaa maanta joojiyay Munaasabsad ay maanta Dhuusamareen ku qabsan lahaayeen Ahlusuna. Munaasabadan oo aheyd mid qado ah oo lagu soo dhoweynayay Xildhibaannada Ahlusuna ay soo xulatay, ayaa la sheegay inay joojiyeen Ciidamada Booliska. Xubnaha Ahlusuna ee ku sugan Dhuusamareeb ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid caburin ah, ayna mas’uul ka tahay […]

Continue Reading

Ahlu-sunna oo ka hortimid shuruudihii gudiga farsamada Galmudug soo saareen

Bayaan kasoo baxay xaafiiska madaxa xukuumada galmudug shiikh maxamad shaakir cali xasan ayaa lagu sheegay in ahlu sunna ay soo gudbisay liiska 20 kii xildhibaan ee ay qoondada uga qaaten galmudug. Sidookale shikh maxamad shaakir ayaa cadeeyay in aysan aqbal sanayn shuruudaha gudiga farsamada galmudug ey soo saareen waxayna cadeedyeen in aysan aqoonsanayn gudiga farsamada […]

Continue Reading

C/raxmaan C/shakuur oo ka shifay olole cusub oo ay bilowday Villa Soomaaliya

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa kashifay olole cusub oo lagu doonayo qodobka 56aad ee sharciga doorashooyinka ee muddo kordhinta ka hadlaya in sidiisa loo daayo, si muddada la kordhinayo ee 6-da bilood ay u hirgasho. C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in qorshaha loogu jiro muddo kordhinta ay tahay mid lagu doonayo in haddii dib […]

Continue Reading

Bankiga dhexe oo amray in la xiro akoomada forex ee Soomaaliya

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa amar uu soo saaray waxaa uu ku faray dhammaan Bankiyada Ganacsiga inay ku xiraan xisaabaadka Suuqa Sarifka lacagaha Qalaad ee loo yaqaano Forex Trading, kaasoo muddooyinkii u dambeeyay aad ugu soo xoogeysanayay magaalada Muqdisho. Go’aan ka soo baxay Guddoonka sare ee Maamulka Bankiga Dhexe ayaa lagu sheegay in qaraar lambarkiisa […]

Continue Reading