Emre Can: Liverpool waxa ay ku laabatay wadada guusha

Ciyaaraha

Emre Can ayaa sheegtay in guushii Liverpool ee maribor ee Champions League ay dhiiri gelin doonto kooxda inay guulo gaarto.

Wiilasha Jurgen Klopp ayaa 7-0 ay kaga badiyeen kooxda ree Slovenia habeenkii talaadada, taasoo noqotay kooxdii ugu horeysay ee Ingariis ah ee Champions ka dhalisa goolal intaa la eg hal habeen.

Reds ayaa  kaliya hal kulan badisay sideedii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan, lakiin haatan kooxdu waxay kalsooni buuxda ku qabtaa kulanka Isbuucaan ee Premier League ee ay la leeyihiin Tottenham Hotspur ee ka dhaceya Wembley.

“Waa wax weyn,” ayuu u sheegay website-ka kooxda Liverpool. “manila ka dhalinin gool, taas muhim ah, sidoo kale waxaan dhalinay goolal, fursado fiican ayaan sameeyay, waxaana u maleynayaa inay aheyd guul aan u qalanay, waa inaad gool dhaliso, waana sababta aan ku guuleysanay kulamadii ugu dambeeyey” .

“Maanta si wacan ayaan u shaqeynay, waxaana rajeynayaa in kulankaan uu bilaaw yahay, wadad guusha ah, waxa uu ahaa qaab ciyaareed aad u fiican, waxaana heysanaa axada, kulanka Tottenham, waa kulan weyn, waxaana rajeyneynaa inaan u ciyaarno sida maanta. ”

Roberto Firmino, Mohamed Salah, Philippe Coutinho, Alex Oxlade-Chamberlain iyo Trent Alexander-Arnold ayaa ah gool dhaliyaashii xalay kulankii  Maribor.

w/q Hafsa haji